Text copied!
Bibles in Somali

SABUURRADII 29:5-10 in Somali

Help us?

SABUURRADII 29:5-10 in Kitaabka Quduuska Ah

5 Rabbiga codkiisu wuxuu jebiyaa geedaha kedarka ah, Haah, oo Rabbigu wuxuu kala jebjebiyaa geedaha kedarka ah oo Lubnaan.
6 Oo weliba wuxuu iyaga ka dhigaa inay u boodboodaan sida weyl oo kale, Lubnaan iyo Siryonba wuxuu ka dhigaa sida gisi yar.
7 Rabbiga codkiisu wuxuu googooyaa ololka dabka.
8 Rabbiga codkiisu wuxuu ruxruxaa cidlada, Rabbigu wuxuu ruxruxaa cidlada Qaadeesh.
9 Rabbiga codkiisu wuxuu dhaliyaa deerooyinka, Oo kayntana caleemaha wuu ka daadiyaa, Oo wax kasta oo macbudkiisa ku jiraana waxay yidhaahdaan, Ammaan.
10 Rabbigu wuxuu dul fadhiyaa daadka, Haah, oo Rabbigu wuxuu weligiisba u fadhiyaa sida boqor oo kale.
SABUURRADII 29 in Kitaabka Quduuska Ah