Text copied!
Bibles in Somali

SABUURRADII 27:7-12 in Somali

Help us?

SABUURRADII 27:7-12 in Kitaabka Quduuska Ah

7 Rabbiyow, markaan codkayga ku qayliyo, i maqal, Weliba ii naxariiso, oo ii jawaab.
8 Markaad tidhi, Wejigayga doondoona, ayaa qalbigaygu wuxuu kugu yidhi, Rabbiyow, wejigaaga waan doondoonayaa.
9 Ilaaha badbaadadaydow, wejigaaga ha iga qarin, Anoo addoonkaaga ah cadho ha igu eryin, Caawimaad baad ii ahayde, Ha i xoorin, hana i dayrin.
10 Waayo, aabbahay iyo hooyaday way i dayriyeen, Laakiinse Rabbigaa i qaadan doona.
11 Rabbiyow, cadaawayaashayda daraaddood Jidkaaga i bar, Oo igu hoggaami waddo bannaan.
12 Oo gacanta ha ii gelin cadaawayaashayda, Waayo, waxaa igu kacay markhaatiyaal been ah iyo kuwa nacweynaanta ku hadla.
SABUURRADII 27 in Kitaabka Quduuska Ah