Text copied!
Bibles in Somali

SABUURRADII 22:15-30 in Somali

Help us?

SABUURRADII 22:15-30 in Kitaabka Quduuska Ah

15 Xooggaygii wuxuu u engegay sidii dheri burburkiisa oo kale, Oo carrabkaygiina daamankayguu ku dhegay, Oo waxaad i gelisay ciiddii dhimashada.
16 Waayo, waxaa i hareereeyey eeyo, Oo waxaa hareerahayga isku wareejiyey shirkii xumaanfalayaasha, Oo waxay iga mudeen gacmaha iyo cagaha.
17 Lafahaygii oo dhan waan tirin karaa, Oo iyagu way i fiiriyaan oo igu dhaygagaan,
18 Dharkayga bay qaybsadaan, Oo maradaydana saami bay u ritaan.
19 Laakiinse, Rabbiyow, ha iga fogaan, Tageerehaygiiyow, dhaqso ii caawi.
20 Naftayda ka samatabbixi seefta, Noloshaydana ka samatabbixi xoogga eeyga.
21 Iga badbaadi libaaxa afkiisa, Haah, xataa geesihii gisiyada waad iiga jawaabtay.
22 Magacaaga waan u sheegi doonaa walaalahay, Oo ururka dhexdiisa ayaan kugu ammaani doonaa.
23 Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, ammaana isaga, Farcanka Yacquubow, sharfa isaga, Oo kuwiinna Israa'iil ka soo farcamayow, isaga ka wada cabsada.
24 Waayo, isagu ma quudhsan, mana karhin kan la dhibay dhibkiisa, Oo wejigiisiina kama uu qarin isagii, Laakiinse markuu u qayshaday ayuu maqlay.
25 Xaggaaga ayaa ammaantaydu kaga imanaysaa shirka weyn dhexdiisa, Oo nidarradayda waxaan ku bixinayaa kuwa isaga ka cabsada hortooda.
26 Oo waxaa wax cuni doona oo ka dhergi doona kuwa camalka qabow, Kuwa Rabbiga doondoonaa isagay ammaani doonaan, Qalbigiinnu weligiis ha noolaado.
27 Dunida darafyadeeda oo dhammu waxay soo xusuusan doonaan oo u soo jeesan doonaan Rabbiga. Oo qolooyinka quruumaha oo dhammu waxay ku sujuudi doonaan hortaada.
28 Waayo, boqortooyada waxaa leh Rabbiga, Oo isagu waa taliyihii quruumaha.
29 Dunida kuweeda buurbuuran oo dhammu wax bay cuni oo Ilaah bay caabudi doonaan, Oo inta ciidda gasha oo dhammuna hortiisay ku sujuudi doonaan, Xataa kii aan naftiisa sii noolayn karin.
30 Farcan baa isaga u adeegi doona, Oo Sayidka waxaa looga sheekayn doonaa qarniga iman doona.
SABUURRADII 22 in Kitaabka Quduuska Ah