Text copied!
Bibles in Somali

SABUURRADII 21:1-6 in Somali

Help us?

SABUURRADII 21:1-6 in Kitaabka Quduuska Ah

1 Rabbiyow, boqorku wuxuu ku farxi doonaa xooggaaga, Oo badbaadintaadana aad buu ugu rayrayn doonaa.
2 Waxaad isaga siisay wixii qalbigiisu doonayay, Oo wixii bushimihiisu ku weyddiisteenna uma aad diidin. (Selaah)
3 Waayo, waxaad isaga hor dhigtaa barakooyinka wanaagga, Oo madaxiisana waxaad saartaa taaj dahab saafi ah.
4 Wuxuu kaa baryay nolol, oo adna waad siisay isaga, Oo waxaad siisay cimri dheer oo waaraya weligiis iyo weligiisba.
5 Ammaantiisu waxay ku weyn tahay xagga badbaadintaada, Oo waxaad isaga saartaa murwad iyo haybad.
6 Waayo, waxaad isaga ka dhigtaa mid weligiisba aad u barakaysan, Oo waxaad ka dhigtaa inuu hortaada farxad kula reyreeyo.
SABUURRADII 21 in Kitaabka Quduuska Ah