Text copied!
Bibles in Somali

SABUURRADII 18:16-20 in Somali

Help us?

SABUURRADII 18:16-20 in Kitaabka Quduuska Ah

16 Xagga sare ayuu cid ka soo diray, oo wuu i qaaday, Oo wuxuu iga soo dhex bixiyey biyo badan.
17 Wuxuu iga samatabbixiyey cadowgaygii xoogga badnaa, Iyo kuwii i necbaaba, waayo, iyagu way iga xoog badnaayeen.
18 Waxay igu soo kediyeen maalintii aan belaayaysnaa, Laakiinse Rabbigu wuxuu ii ahaa tiir.
19 Oo weliba wuxuu i keenay meel ballaadhan, Wuu i soo samatabbixiyey, maxaa yeelay, wuu igu farxay.
20 Rabbigu wuxuu iigu abaalguday sidii ay xaqnimadaydii ahayd, Oo sidii ay nadiifsanaantii gacmahaygu ahayd ayuu iigu abaalguday.
SABUURRADII 18 in Kitaabka Quduuska Ah