Text copied!
Bibles in Somali

SABUURRADII 18:13-48 in Somali

Help us?

SABUURRADII 18:13-48 in Kitaabka Quduuska Ah

13 Rabbiguna wuxuu ka onkoday samooyinka, Sarreeyuhuna wuxuu ku hadlay codkiisii, Oo soo daayay roob dhagaxyaale iyo dhuxulo dab ah.
14 Markaasuu fallaadhihiisii soo ganay oo kala firdhiyey iyagii, Haah, oo wuxuu u soo diray hillaac badan, wuuna baabbi'iyey iyagii.
15 Rabbiyow, canaantaadii aawadeed iyo dulalka sankaaga neefta ka soo baxaysa aawadeed Ayaa durdurradii biyuhu la muuqdeen, Oo aasaaskii duniduna wuu soo bannaan baxay.
16 Xagga sare ayuu cid ka soo diray, oo wuu i qaaday, Oo wuxuu iga soo dhex bixiyey biyo badan.
17 Wuxuu iga samatabbixiyey cadowgaygii xoogga badnaa, Iyo kuwii i necbaaba, waayo, iyagu way iga xoog badnaayeen.
18 Waxay igu soo kediyeen maalintii aan belaayaysnaa, Laakiinse Rabbigu wuxuu ii ahaa tiir.
19 Oo weliba wuxuu i keenay meel ballaadhan, Wuu i soo samatabbixiyey, maxaa yeelay, wuu igu farxay.
20 Rabbigu wuxuu iigu abaalguday sidii ay xaqnimadaydii ahayd, Oo sidii ay nadiifsanaantii gacmahaygu ahayd ayuu iigu abaalguday.
21 Waayo, anigu waan xajiyey jidadkii Rabbiga, Oo Ilaahayna si caasinimo ah ugama tegin.
22 Waayo, xukummadiisii oo dhammu hortayday yiilleen, Oo qaynuunnadiisiina anigu iskama tuurin.
23 Oo weliba xaggiisana waan ku qummanaa, Oo waan iska dhawray xumaantaydii.
24 Sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu iigu abaalguday sidii ay xaqnimadaydii ahayd, Iyo sidii nadiifsanaanta gacmahaygu ay ku ahayd indhihiisa hortooda.
25 Kii naxariis leh waad u naxariisanaysaa, Oo ninkii qummanna waad u qummanaanaysaa.
26 Kii daahir ahna daahir baad u ahaanaysaa, Oo kii qalloocanna mid maroorsan baad u ahaanaysaa.
27 Waayo, waxaad badbaadinaysaa dadka dhibaataysan, Laakiinse indhaha kibirsan waad soo dejinaysaa.
28 Waayo, waxaad daaraysaa laambaddayda, Rabbiga Ilaahayga ah ayaa gudcurkayga iftiiminaya.
29 Waayo, adaan col kuugu dhex ordaa, Oo Ilaahay caawimaaddiisa ayaan derbi kaga boodaa.
30 Ilaah jidkiisu waa qumman yahay, Rabbiga eraygiisuna waa mid la tijaabiyey, Isagu wuxuu gaashaan u yahay kuwa isaga isku halleeya oo dhan.
31 Waayo, bal yaa Ilaah ah, Rabbiga mooyaane? Oo bal yaa dhagax weyn ah, Ilaahayaga mooyaane?
32 Kaasoo ah Ilaaha ii guntiya xoog, Jidkaygana qummaatiya.
33 Isagu cagahayga wuxuu ka dhigaa sida cagaha deerada, Oo wuxuu igu fadhiisiyaa meelahayga sare.
34 Gacmahaygana wuxuu baraa dagaalka, Oo sidaas daraaddeed gacmahaygu waxay xoodaan qaanso naxaas ah.
35 Weliba waxaad kaloo i siisay gaashaankii badbaadintaada, Oo waxaa kor ii qaadday gacantaada midig, Oo roonaantaada ayaa i weynaysay.
36 Adigu tallaabooyinkayga waxaad ku ballaadhisay hoostayda, Oo cagahayguna ma ay simbiriirixan.
37 Anigu waxaan eryan doonaa cadaawayaashayda, oo waan gaadhi doonaa, Oo jeeray wada baabba'aanna dib uga soo noqon maayo.
38 Waan wada layn doonaa si aanay mar dambe u awoodin inay kacaan, Oo cagahaygay ku soo hoos dhici doonaan.
39 Waayo, xoog baad iigu guntisay dagaalka aawadiis, Oo kuwii igu kacayna hoostaydaad ku soo tuurtay.
40 Oo weliba cadaawayaashaydii waxaad ka dhigtay inay dhabarka ii jeediyaan, Si aan u kala gooyo kuwa i neceb.
41 Iyagu way qayshadeen, laakiinse way waayeen mid iyaga badbaadiya, Oo xataa Rabbiga way baryeen, laakiinse uma uu jawaabin.
42 Markaasaan iyagii u duqeeyey sida boodhka dabaysha hor kaca, Oo waxaan iyagii dibadda ugu tuuray sidii dhoobada jidadka taal oo kale.
43 Waxaad iga samatabbixisay murankii dadka, Oo waxaad iga dhigtay quruumaha madaxdoodii, Oo dad aanan aqoon ayaa ii adeegi doona.
44 Oo mar alla markii ay warkayga maqlaan way i addeeci doonaan, Oo shisheeyayaashuna way isu kay dhiibi doonaan,
45 Shisheeyayaashu way libdhi doonaan, Oo iyagoo gariiraya ayay qolalkooda ka soo bixi doonaan.
46 Rabbigu waa nool yahay, oo mahad waxaa leh dhagaxayga weyn, Oo Ilaaha i badbaadiyeyna ha sarreeyo,
47 Kaasoo ah Ilaaha aniga ii aarguda, Oo dadkana hoostayda ku soo tuura.
48 Isagu wuxuu iga badbaadiyaa cadaawayaashayda, Haah, oo adigu waxaad iga sara marisaa kuwa igu kaca, Oo waxaad iga samatabbixisaa ninka dulmiga badan.
SABUURRADII 18 in Kitaabka Quduuska Ah