6 Ilaahow, waan ku baryay, waayo, waad ii jawaabi doontaa, Bal dhegta ii dhig, oo hadalkayga maqal.
7 Bal muuji raxmaddaada yaabka leh, Adigoo kuwa isku kaa halleeya gacantaada midig kaga badbaadiya Kuwa ku kaca iyaga.
8 Ii dhawr sida isha inankeeda, Oo igu qari hooska baalashaada.
9 Waxaad iga qarisaa kuwa sharka leh oo i kharriba, Kuwaas oo ah cadaawayaasha naftayda oo hareerahayga ku wareegsan.
10 Qalbigooday xidheen, Oo afkooduna wuxuu ku hadlaa waxyaalo kibir miidhan ah.