Text copied!
Bibles in Somali

SABUURRADII 148:3-10 in Somali

Help us?

SABUURRADII 148:3-10 in Kitaabka Quduuska Ah

3 Qorraxda iyo dayaxow, ammaana isaga, Xiddigaha iftiinka oo dhammow, ammaana isaga.
4 Ammaana isaga, samooyinka samooyinkow, Iyo biyaha samooyinka ka sarreeyow.
5 Iyagu magaca Rabbiga ha ammaaneen, Waayo, isagu wuu amray, oo iyana way abuurmeen.
6 Oo weliba isagaa adkeeyey iyaga weligood iyo weligoodba, Oo wuxuu sameeyey xad aan la gudbi doonayn.
7 Rabbiga dhulka ka ammaana, Masbadeedyo iyo moolal oo dhammow,
8 Dab iyo roobdhagaxyaale, baraf cad iyo ceeryaamow, Iyo dabayl duufaan ah oo eraygiisa oofiyow,
9 Buuro iyo kuro oo dhammow, Dhir midho badan iyo dhir kedar la yidhaahdo oo dhammow,
10 Dugaag iyo xoolo oo dhammow, Waxa gurguurta iyo haadda duusha oo dhammow,
SABUURRADII 148 in Kitaabka Quduuska Ah