Text copied!
Bibles in Somali

SABUURRADII 136:4-14 in Somali

Help us?

SABUURRADII 136:4-14 in Kitaabka Quduuska Ah

4 Kan keligiis sameeya yaabab waaweyn, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
5 Kan samada waxgarashada ku sameeyey, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
6 Kan dhulka biyaha korkooda ku goglay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
7 Kan sameeyey iftiimmo waaweyn, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
8 Qorraxdu inay maalinta xukunto, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
9 Dayaxa iyo xiddiguhuna inay habeenka xukumaan, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
10 Kan Masar curadyadii ka laayay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
11 Oo reer binu Israa'iilna ka soo dhex saaray, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
12 Kan kaga soo bixiyey gacan xoog badan iyo cudud fidsan, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
13 Kan Badda Cas kala qaybiyey, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
14 Oo reer binu Israa'iilna dhex marshay iyada, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
SABUURRADII 136 in Kitaabka Quduuska Ah