Text copied!
Bibles in Somali

SABUURRADII 121:3-8 in Somali

Help us?

SABUURRADII 121:3-8 in Kitaabka Quduuska Ah

3 Isagu uma oggolaan doono in cagtaada la dhaqaajiyo, Kan ku dhawraa ma gam'i doono.
4 Bal eeg, kan reer binu Israa'iil dhawraa Ma gam'i doono, mana seexan doono.
5 Kan ku dhawraa waa Rabbiga, Rabbigu waa hooskaaga midigtaada taagan.
6 Qorraxdu maalinta waxba kuma yeeli doonto. Habeenkana dayaxu waxba kuma yeeli doono.
7 Rabbiga ayaa kaa dhawri doona shar kasta, Isagu wuxuu dhawri doonaa naftaada.
8 Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba Rabbigu wuxuu dhawri doonaa bixiddaada iyo soo geliddaadaba.
SABUURRADII 121 in Kitaabka Quduuska Ah