Text copied!
Bibles in Somali

SABUURRADII 119:130-137 in Somali

Help us?

SABUURRADII 119:130-137 in Kitaabka Quduuska Ah

130 Erayadaada furniinkoodu wax buu iftiimiyaa, Oo wuxuu waxgarasho siiyaa kuwa garaadka daran.
131 Afka aad baan u kala qaaday, oo waan harraaday, Waayo, waxaan u xiisooday amarradaada.
132 Ii soo jeeso, oo ii naxariiso, Sidaad kuwa magacaaga jecel u samaysid.
133 Tallaabooyinkayga ku toosi eraygaaga, Oo dembina yaanu ii talin.
134 Dadka dulmigiisa iga bixi, Oo anna waxaan dhawri doonaa amarradaada.
135 Anoo addoonkaaga ah wejigaaga iigu iftiimi, Oo qaynuunnadaada i bar.
136 Indhahayga waxaa ka shubma durdurro biyo ah, Maxaa yeelay, sharcigaaga lama dhawrin.
137 Rabbiyow, xaq baad tahay, Oo xukummadaaduna waa qumman yihiin.
SABUURRADII 119 in Kitaabka Quduuska Ah