Text copied!
Bibles in Somali

SABUURRADII 119:106-137 in Somali

Help us?

SABUURRADII 119:106-137 in Kitaabka Quduuska Ah

106 Waxaan ku dhaartay oo aan weliba xaqiijiyey Inaan dhawrayo xukummadaada xaqa ah.
107 Aad iyo aad baan u dhibaataysnahay, Haddaba Rabbiyow, igu soo noolee si eraygaaga waafaqsan.
108 Rabbiyow, waan ku baryayaaye, aqbal qurbaannada ikhtiyaarka ah oo afkayga, Xukummadaadana i bar.
109 Naftaydu had iyo goorba waxay ku jirtaa khatar, Habase yeeshee sharcigaaga ma illoobo.
110 Kuwa sharka lahu waxay ii dhigeen dabin, Laakiinse amarradaada kama aan amban.
111 Markhaatifurkaaga waxaan u qaatay sida dhaxal weligiis waaraya, Waayo, kaasu waxa weeye waxa qalbigaygu ku reyreeya.
112 Qalbigayga waxaan u jeediyey inaan qaynuunnadaada oofiyo, Tan iyo weligay iyo ilaa ugu dambaysta.
113 Waan necbahay kuwa labada qalbi leh, Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.
114 Waxaad tahay gabbaadkayga iyo gaashaankayga, Oo waxaan rajo ku qabaa eraygaaga.
115 Kuwiinna xumaanta falow, iga taga, Si aan amarrada Ilaahayga u xajiyo.
116 Rabbiyow, ii tiiri si eraygaaga waafaqsan si aan u noolaado, Oo yaanan rajadayda ku ceeboobin.
117 Kor ii hay, oo waan badbaadi doonaa, Oo had iyo goorba waxaan u fiirsan doonaa qaynuunnadaada.
118 Kuwa qaynuunnadaada ka habaabay oo dhan waad fudaydsatay, Waayo, khiyaanadoodu waa wax been ah.
119 Kuwa sharka leh oo dhulka oo dhan waxaad u fogaysaa sida wasakh oo kale, Oo sidaas daraaddeed baan markhaatifurkaaga u jeclahay.
120 Jidhkaygu wuxuu la gariiraa cabsidaada, Oo waxaan ka baqaa xukummadaada.
121 Waxaan sameeyey xukun iyo caddaalad, Haddaba ha iiga tegin kuwa i dulma.
122 Anoo addoonkaaga ah wanaag daraaddiis ii dammiino, Oo kuwa kibirsanu yaanay i dulmin.
123 Indhahaygii waxay u gudheen jacaylkay badbaadintaada u qabaan, Iyo eraygaaga xaqa ah daraaddiis.
124 Anoo addoonkaaga ah iila macaamilow si naxariistaada waafaqsan, Oo qaynuunnadaada i bar.
125 Waxaan ahay addoonkaaga, haddaba waxgarasho i sii, Si aan markhaatifurkaaga u ogaado.
126 Waa wakhtiga aad shaqayn lahayd, Rabbiyow, Waayo, sharcigaaga way buriyeen.
127 Haddaba amarradaada waan ka sii jeclahay Dahab, haah, xataa dahab saafi ah.
128 Sidaas daraaddeed amarradaada oo dhammu waxay ila yihiin wax hagaagsan, Oo waan necbahay jid kasta oo been ah.
129 Markhaatifurkaagu waa yaab badan yahay, Oo sidaas daraaddeed ayay naftaydu u xajisaa.
130 Erayadaada furniinkoodu wax buu iftiimiyaa, Oo wuxuu waxgarasho siiyaa kuwa garaadka daran.
131 Afka aad baan u kala qaaday, oo waan harraaday, Waayo, waxaan u xiisooday amarradaada.
132 Ii soo jeeso, oo ii naxariiso, Sidaad kuwa magacaaga jecel u samaysid.
133 Tallaabooyinkayga ku toosi eraygaaga, Oo dembina yaanu ii talin.
134 Dadka dulmigiisa iga bixi, Oo anna waxaan dhawri doonaa amarradaada.
135 Anoo addoonkaaga ah wejigaaga iigu iftiimi, Oo qaynuunnadaada i bar.
136 Indhahayga waxaa ka shubma durdurro biyo ah, Maxaa yeelay, sharcigaaga lama dhawrin.
137 Rabbiyow, xaq baad tahay, Oo xukummadaaduna waa qumman yihiin.
SABUURRADII 119 in Kitaabka Quduuska Ah