Text copied!
Bibles in Somali

ROOMA 11:12-21 in Somali

Help us?

ROOMA 11:12-21 in Kitaabka Quduuska Ah

12 Haddaba haddii dhicitinkoodii yahay taajirnimadii dunida, liidnaantoodiina tahay taajirnimadii quruumaha kale, de buuxnaantooduna intee bay sii badin doontaa taajirnimadii?
13 Laakiin waxaan la hadlayaa kuwiinnan oo ka mid ah dadka aan Yuhuudda ahayn. Haddaba anigoo ah rasuulkii dadka aan Yuhuudda ahayn, hawshayda waan derejeeyaa,
14 si aan uga hinaasiyo kuwa aan isku jidhka nahay oo aan qaarkood badbaadiyo.
15 Waayo, haddii xooriddoodu tahay maslaxadda dunida, aqbaliddoodii maxay noqon doontaa, soo noolaadka kuwii dhintay mooyaane?
16 Inta ugu horraysa oo cajiinku hadday quduus tahay, de cajiinkuna wuu yahay, haddii xididku quduus yahayna, de laamahuna way yihiin.
17 Laakiinse haddii laamihii qaarkood laga jebiyey, oo adigoo saytuundibadeed ah lagugu tallaalo meeshoodii, oo aad ka qayb gasho wanaagga xididka geedka saytuunka ah,
18 ha ka faanin laamaha, laakiinse haddii aad faantid, bal ogow inaadan ahayn kan xididka sida, laakiinse xididkaa adiga ku sida.
19 Haddaba waxaad odhan doontaa, Laamihii waxaa loo jebiyey in aniga laygu tallaalo meeshoodii.
20 Waa tahay. Rumaysaddarradoodii baa loo jebiyey, adna waxaad ku taagan tahay rumaysadkaaga. Ha iskibrin, laakiinse cabso;
21 waayo, haddaan Ilaah u tudhin laamihii asliga ahaa, de adna kuu tudhi maayo.
ROOMA 11 in Kitaabka Quduuska Ah