Text copied!
Bibles in Somali

MARKOS 9:28-36 in Somali

Help us?

MARKOS 9:28-36 in Kitaabka Quduuska Ah

28 Ciise goortuu guriga galay, xertiisii waxay gooni ahaan u weyddiiyeen, Annagu maxaannu u saari kari waynay?
29 Wuxuu ku yidhi, Caynkanu wax kale kuma soo bixi karo tukasho iyo soon maahee.
30 Markaasay halkaas ka tageen oo Galili dhex mareen, mana uu doonaynin in la ogaado.
31 Waayo, xertiisii ayuu wax barayay, oo wuxuu ku yidhi, Wiilka Aadanaha ayaa dadka loo gacangelinayaa, wayna dili doonaan oo markii la dilo, saddex maalmood dabadeed, ayuu sara kici doonaa.
32 Laakiin hadalkaas ayay garan waayeen, wayna ka cabsadeen inay weyddiiyaan.
33 Markaasuu yimid Kafarna'um, oo intuu gurigii joogay ayuu weyddiiyey, Maxaad ka wada hadlayseen intaad jidka ku soo socoteen?
34 Laakiin way aamuseen, waayo, intay jidka ku socdeen waxay ka wada hadlayeen kan ugu weyn.
35 Intuu fadhiistay laba-iyo-tobankii ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Haddii qof doonayo inuu dadka u horreeyo, isagaa ugu wada dambayn doona, midiidin buuna u wada noqon doonaa.
36 Ilmo yar ayuu qaaday oo dhexdooda joojiyey, oo goortuu gacmihiisii ku soo qaaday ayuu iyaga ku yidhi,
MARKOS 9 in Kitaabka Quduuska Ah