Text copied!
Bibles in Somali

MARKOS 8:5-17 in Somali

Help us?

MARKOS 8:5-17 in Kitaabka Quduuska Ah

5 Goortaasuu weyddiiyey, Immisa kibsood baad haysaan? Waxay ku yidhaahdeen, Toddoba.
6 Kolkaasuu dadkii badnaa ku amray inay dhulka fadhiistaan. Markaasuu toddobadii kibsood soo qaaday, oo goortuu ku mahadnaqay ayuu kala jejebiyey oo xertiisii siiyey inay hortooda dhigaan. Markaasay dadkii badnaa hor dhigeen.
7 Waxay haysteen in yar oo kalluun yaryar ah. Oo intuu barakeeyey, wuxuu ku amray inay kuwaasna hortooda dhigaan.
8 Markaasay cuneen oo dhergeen; kolkaasay soo ururiyeen toddoba dambiilood oo ka buuxa jajabkii hadhay.
9 Kuwii cunayna waxay ku dhowaayeen afar kun, markaasuu diray.
10 Kolkiiba xertiisii ayuu doonni la fuulay, oo wuxuu yimid dhinacyada Dalmanuuta.
11 Markaasaa Farrisiintu u soo baxday, oo waxay bilaabeen inay wax weyddiiyaan, oo waxay ka doonayeen inuu calaamo cirka ka tuso, si ay u jirrabaan.
12 Intuu ruuxiisa ka taahay ayuu yidhi, Qarnigan muxuu calaamo u doondoonayaa? Runtii waxaan idinku leeyahay, Qarnigan calaamo lama siin doono.
13 Markaasuu ka tegey oo haddana doonniduu fuulay oo dhanka kale u kacay.
14 Xertii waxay illoobeen inay kibis soo qaataan, oo doonnida kibis kuma ay haysan mid keliya maahane.
15 Markaasuu wuxuu ku amray, oo ku yidhi, Iska eega oo iska jira khamiirka Farrisiinta iyo khamiirka Herodos.
16 Markaasay isla wada hadleen, oo isku yidhaahdeen, Sababtaasu waa kibistii aannan haysan aawadeed.
17 Ciise oo gartay ayaa ku yidhi, Maxaad isu la hadlaysaan? Ma kibistii aydnaan haysan aawadeed ba? Miyaydnaan weli arkin oo aydnaan garanaynin? Qalbigiinnu weli ma engegan yahay?
MARKOS 8 in Kitaabka Quduuska Ah