Text copied!
Bibles in Somali

MARKOS 8:32-38 in Somali

Help us?

MARKOS 8:32-38 in Kitaabka Quduuska Ah

32 Hadalkaas bayaan buu ugu hadlay. Markaasaa Butros gees u waday oo bilaabay inuu canaanto.
33 Laakiin Ciise markuu soo jeestay oo xertiisii eegay, ayuu Butros canaantay, oo wuxuu ku yidhi, Gadaal iga mar, Shayddaan yahow, waayo, waxyaalaha Ilaah kama fikirtid, waxaadse ka fikirtaa waxyaalaha dadka.
34 Goortaasuu dadkii badnaa u yeedhay iyo xertiisiiba oo wuxuu ku yidhi, Mid uun hadduu doonayo inuu iga daba yimaado, ha dayriyo doonistiisa, iskutallaabtiisana ha soo qaato oo ha i soo raaco.
35 Kan doonaya inuu naftiisa badbaadiyo, waa lumin doonaa, laakiin kan naftiisa u lumiya aawaday iyo injiilka aawadii, kaasaa badbaadin doona.
36 Waayo, nin maxay u taraysaa hadduu dunida oo dhan helo oo uu naftiisa lumiyo?
37 Nin muxuu u bixiyaa naftiisa beddelkeeda?
38 Haddaba ku alla kii qarnigan dembiga iyo sinada leh kaga xishooda aniga iyo hadalkaygaba, Wiilka Aadanaha ayaa ka xishoon doona isaga markuu ammaantii Aabbihiis kula yimaado malaa'igaha quduuska ah.
MARKOS 8 in Kitaabka Quduuska Ah