Text copied!
Bibles in Somali

MAAHMAAHYADII 8:11-15 in Somali

Help us?

MAAHMAAHYADII 8:11-15 in Kitaabka Quduuska Ah

11 Waayo, xigmaddu waa ka sii wanaagsan tahay luulka, Oo wax alla waxa la damci karo oo dhanna iyada lalama simi karo.
12 Anigoo xigmad ahu, waxaan la fadhiyaa miyir, Oo waxaan helaa aqoon iyo digtoonaan.
13 Rabbiga ka cabsashadiisu waa in sharka la naco. Kibirka, iyo madaxweynaanta, iyo jidka sharka, Iyo afka qalloocan ayaan anigu necbahay.
14 Talo iyo xigmad anigaa iska leh, Oo waxaan ahay waxgarasho, xoogna waan leeyahay.
15 Boqorradu gacantayday wax ku xukumaan, Oo amiirraduna amarkaygay garta ku gooyaan.
MAAHMAAHYADII 8 in Kitaabka Quduuska Ah