Text copied!
Bibles in Somali

MAAHMAAHYADII 7:1-18 in Somali

Help us?

MAAHMAAHYADII 7:1-18 in Kitaabka Quduuska Ah

1 Wiilkaygiiyow, erayadayda xaji, Oo amarradaydana xaggaaga ku kaydso.
2 Amarradayda xaji aad noolaatide, Oo sharcigaygana sida ishaada inankeeda u dhawr.
3 Farahaaga ku xidho, Oo looxa qalbigaagana ku qoro.
4 Waxaad xigmadda ku tidhaahdaa, Adigu waxaad tahay walaashay, Oo waxgarashadana waxaad ugu yeedhaa, saaxiibadday gacalisoy,
5 Si ay iyagu kaaga celiyaan naagta qalaad, Taasoo erayadeeda kugu sasabata.
6 Waayo, anigoo jooga daaqadda gurigayga Ayaan shabagga daaqadda wax ka fiiriyey,
7 Oo kuwa garaadka daran ayaan fiiriyey, oo waxaan barbaarrada ku dhex arkay Nin dhallinyaraa oo aan innaba waxgarasho lahayn,
8 Isagoo maraya dariiqa xaafaddeeda u dhow, Oo wuxuu raacay jidkii gurigeeda,
9 Oo waxay ahayd gabbaldhac oo makhribka ah, markii habeenkii madoobaanayay oo gudcur noqonayay.
10 Oo bal eeg, waxaa isagii ka hor timid naag Sidii dhillo u lebbisan, oo qalbigeedu khiyaano miidhan yahay.
11 Iyadu waa rabshad badan tahay, waana caasiyad, Oo gurigeeda cag sooma dhigto.
12 Mar dibadday joogtaa, marna dariiqyaday maraysaa, Oo rukun kasta wax bay ku sugtaa.
13 Haddaba isagii way qabsatay, oo dhunkatay; Iyadoo aan wejigeedu xishood lahayn ayay waxay isagii ku tidhi,
14 Anigu waxaan hayaa allabaryo nabdeed, Oo maanta ayaan nidarradaydii bixiyey.
15 Haddaba waxaan u soo baxay inaan kula kulmo, Oo aan aad iyo aad wejigaaga u doondoono, waanan ku helay.
16 Sariirtaydii waxaan ku goglay durraaxado daabac leh, Iyo marooyin duntii Masar laga sameeyey.
17 Waxaan sariirtaydii ku cadariyey Malmal iyo cuud iyo qorfe.
18 Kaalay, oo aan caashaq ka dheregno ilaa aroorta, Oo aynu jacayl ku faraxsanaanno.
MAAHMAAHYADII 7 in Kitaabka Quduuska Ah