Text copied!
Bibles in Somali

MAAHMAAHYADII 6:7-28 in Somali

Help us?

MAAHMAAHYADII 6:7-28 in Kitaabka Quduuska Ah

7 Iyadoo aan lahayn madaxweyne, Sirkaal iyo taliye toona,
8 Ayay guga cuntadeeda soo diyaarsataa, Oo quudkeedana waxay soo urursataa wakhtiga beeraha la goosto.
9 Haddaba kaaga caajiska ahow, ilaa goormaad hurdaysaa? Goormaadse hurdadaada ka toosaysaa?
10 Weliba, in yar baad seexataa, in yar baad lulootaa, Oo in yar baad gacmaha hurdo aawadeed u laabataa,
11 Hadda caydhinimadaadu waxay u iman doontaa sida mid dad dhaca, Oo baahidaaduna waxay u iman doontaa sida nin hub wata.
12 Qofkii waxmatare ah, iyo ninkii sharrow ahuba, Wuxuu ku socdaa af qalloocan;
13 Indhihiisuu ku baaqaa, oo cagihiisuu ku hadlaa, Oo faruhuu wax ku baraa;
14 Qalbigiisa qalloocnaan baa ku jirta, had iyo goorna wuxuu ku fikiraa shar, Oo wuxuu beeraa muran.
15 Haddaba sidaas daraaddeed masiibadiisu degdeg bay u iman doontaa, Oo dhaqso buu u jabi doonaa, dawona ma leh.
16 Waxaa jira lix waxyaalood oo uu Rabbigu neceb yahay, Haah, toddoba ayaa naftiisu aad u karahdaa,
17 Waana indho kibir badan, carrab been sheega, Iyo gacmo dhiig aan eed lahayn daadiya,
18 Qalbi male shar ah hindisa, Iyo cago xumaan ku degdega,
19 Markhaati been ah oo been sheega, Iyo kii muran dad walaalo ah ku dhex beera.
20 Wiilkaygiiyow, qaynuunka aabbahaa xaji, Oo amarka hooyadaana ha ka tegin.
21 Had iyo goorba qalbiga ku sido, Oo qoortana ku xidho.
22 Markaad socotid wuu ku hoggaamin doonaa, Oo markaad seexatidna wuu ku dhawri doonaa, Markaad toostidna wuu kula hadli doonaa.
23 Waayo, qaynuunku waa laambad, amarkuna waa iftiin, Oo canaanashada edbintuna waa jidkii nolosha,
24 Inay kaa dhawraan naagta sharka ah, Iyo sasabashada carrabka naagta qalaad.
25 Quruxdeeda qalbigaaga ha ka damcin, Oo yaanay indhaheeda daboolkooda kugu sasaban.
26 Waayo, naag dhillo ah aawadeed waxaa nin la gaadhsiiyaa go' kibis ah, Oo dhilladuna waxay ugaadhsataa nafta qaaligaa.
27 Miyuu nin laabta dab ku qaadi karaa, Iyadoo aan dharkiisu guban?
28 Miyuu mid dhuxul kulul ku kor socon karaa, Iyadoo aan cagihiisu guban?
MAAHMAAHYADII 6 in Kitaabka Quduuska Ah