Text copied!
Bibles in Somali

MAAHMAAHYADII 6:1-15 in Somali

Help us?

MAAHMAAHYADII 6:1-15 in Kitaabka Quduuska Ah

1 Wiilkaygiiyow, haddaad deriskaaga dammiin u noqotid, Ama haddaad shisheeye gacanta dhaar ugu dhiibtid,
2 Markaas waxaa lagugu dabay erayada afkaaga, Oo waxaa lagugu qabtay erayada afkaaga.
3 Haddaba, wiilkaygiiyow, bal waxan samee oo isa samatabbixi, Waayo, gacantii deriskaagii waad gashay; U tag, oo is-hoosaysii, oo deriskaaga bari.
4 Indhahaaga hurdo ha isugu keenin, Oo indhahaaga daboolkoodana lulo ha isugu qaban.
5 Isu samatabbixi sida cawl gacanta ugaadhsadaha uga baxsato, Iyo sida shimbir gacanta shimbirdabaha uga baxsato.
6 Kaaga caajiska ahow, bal qudhaanjada u tag, Oo bal jidadkeeda u fiirso oo caqli yeelo,
7 Iyadoo aan lahayn madaxweyne, Sirkaal iyo taliye toona,
8 Ayay guga cuntadeeda soo diyaarsataa, Oo quudkeedana waxay soo urursataa wakhtiga beeraha la goosto.
9 Haddaba kaaga caajiska ahow, ilaa goormaad hurdaysaa? Goormaadse hurdadaada ka toosaysaa?
10 Weliba, in yar baad seexataa, in yar baad lulootaa, Oo in yar baad gacmaha hurdo aawadeed u laabataa,
11 Hadda caydhinimadaadu waxay u iman doontaa sida mid dad dhaca, Oo baahidaaduna waxay u iman doontaa sida nin hub wata.
12 Qofkii waxmatare ah, iyo ninkii sharrow ahuba, Wuxuu ku socdaa af qalloocan;
13 Indhihiisuu ku baaqaa, oo cagihiisuu ku hadlaa, Oo faruhuu wax ku baraa;
14 Qalbigiisa qalloocnaan baa ku jirta, had iyo goorna wuxuu ku fikiraa shar, Oo wuxuu beeraa muran.
15 Haddaba sidaas daraaddeed masiibadiisu degdeg bay u iman doontaa, Oo dhaqso buu u jabi doonaa, dawona ma leh.
MAAHMAAHYADII 6 in Kitaabka Quduuska Ah