Text copied!
Bibles in Somali

MAAHMAAHYADII 5:7-11 in Somali

Help us?

MAAHMAAHYADII 5:7-11 in Kitaabka Quduuska Ah

7 Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla, Oo erayada afkayga ha ka tegina.
8 Jidkaaga ka fogee iyada, Oo albaabka gurigeeda ha u dhowaan,
9 Si aanad sharaftaada kuwa kale u siin, Oo aanad sannadahaaga kuwa caloosha adag u siin,
10 Si aan shisheeyayaal maalkaaga uga dhergin; Oo aanay wixii aad u hawshootay guri ajnabi u gelin,
11 Si aanad ugu dambaysta u barooran, Markay hilibkaaga iyo jidhkaaguba baabba'aan,
MAAHMAAHYADII 5 in Kitaabka Quduuska Ah