Text copied!
Bibles in Somali

MAAHMAAHYADII 4:8-16 in Somali

Help us?

MAAHMAAHYADII 4:8-16 in Kitaabka Quduuska Ah

8 Iyada sarraysii, oo iyana way ku dallicin doontaa; Oo sharaf bay kuu yeeli doontaa markaad iyada isku duubtid.
9 Iyadu waxay madaxaaga siin doontaa wax sharraxsan, Oo waxayna kuu yeeli doontaa taaj quruxsan.
10 Wiilkaygiiyow, maqal oo hadalladayda aqbal. Oo sannadaha cimrigaaguna way badnaan doonaan.
11 Anigu waxaan ku baray jidkii xigmadda; Oo waxaan kugu hoggaamiyey waddooyinkii qummanaanta.
12 Markii aad socotid tallaabooyinkaagu cidhiidhi ma noqon doonaan, Oo haddaad oroddidna ma turunturoon doontid.
13 Edbinta xajiso, oo ha iska sii deyn; Hayso, waayo, iyadu waa noloshaada,
14 Waddada kuwa sharka leh ha gelin, Oo jidka xumaanfalayaashana ha qaadin.
15 Ka leexo, hana marin, Ka noqo oo hareer ka mar.
16 Waayo, iyagu ma seexdaan haddaanay xumaan falin, Oo hurdadoodana waa laga qaadaa iyagoo cid kufiya mooyaane.
MAAHMAAHYADII 4 in Kitaabka Quduuska Ah