Text copied!
Bibles in Somali

MAAHMAAHYADII 30:6-10 in Somali

Help us?

MAAHMAAHYADII 30:6-10 in Kitaabka Quduuska Ah

6 Erayadiisa waxba ha ku darin, Waaba intaas oo uu ku canaantaa, oo lagu ogaadaa inaad beenaaleh tahay.
7 Laba waxyaalood ayaan ku weyddiistay, Iyaga ha ii diidin intaanan dhiman.
8 Wax aan waxtar lahayn iyo been iga fogee, Oo caydhnimo iyo taajirnimo midna ha i siin. Igu quudi cunto aanan ka maarmin,
9 Waaba intaasoo intaan dhergo, aan adiga ku inkiraaye, oo aan idhaahdaa, Waa ayo Rabbigu? Amase waaba intaasoo aan miskiin noqdaa, oo intaan wax xado, Aan magaca Ilaahayga si been ah ugu hadal qaadaaye.
10 Addoon sayidkiisa xan ha uga sheegin, Waaba intaas oo uu ku habaaraa, oo eed lagugu helaaye.
MAAHMAAHYADII 30 in Kitaabka Quduuska Ah