Text copied!
Bibles in Somali

MAAHMAAHYADII 30:27-33 in Somali

Help us?

MAAHMAAHYADII 30:27-33 in Kitaabka Quduuska Ah

27 Ayaxu boqor ma leh, Weliba dhammaantood guuto guuto ayay u socdaan.
28 Qorratadu waa wax gacanta lagu qaban karo, Weliba waxay joogtaa guryaha boqorrada.
29 Waxaa jira saddex waxyaalood oo si fiican u socda, Haah, oo afar waa socod wanaagsan yihiin.
30 Aar libaax oo ah kan xayawaanka ugu xoogga badan, Oo aan weliba midna dib uga noqon,
31 Diiqa xarragoonaya, iyo orgiga; Iyo boqorka aanay dadku gees ka ahayn.
32 Haddaad nacasnimo samaysay adoo isa sarraysiinaya, Ama aad wax shar ah ka fikirtay, Gacanta afka saar.
33 Waayo, caanihii la lulaa subag bay soo saaraan, Sankii la maroojiyaana dhiig buu keenaa, Sidaas oo kalena cadhadii la qasbaa dirir bay keentaa.
MAAHMAAHYADII 30 in Kitaabka Quduuska Ah