Text copied!
Bibles in Somali

MAAHMAAHYADII 30:26-32 in Somali

Help us?

MAAHMAAHYADII 30:26-32 in Kitaabka Quduuska Ah

26 Walooyinku waa qoon taagdaran, Oo haddana waxay guryahooda ka samaystaan dhagaxyada dhexdooda;
27 Ayaxu boqor ma leh, Weliba dhammaantood guuto guuto ayay u socdaan.
28 Qorratadu waa wax gacanta lagu qaban karo, Weliba waxay joogtaa guryaha boqorrada.
29 Waxaa jira saddex waxyaalood oo si fiican u socda, Haah, oo afar waa socod wanaagsan yihiin.
30 Aar libaax oo ah kan xayawaanka ugu xoogga badan, Oo aan weliba midna dib uga noqon,
31 Diiqa xarragoonaya, iyo orgiga; Iyo boqorka aanay dadku gees ka ahayn.
32 Haddaad nacasnimo samaysay adoo isa sarraysiinaya, Ama aad wax shar ah ka fikirtay, Gacanta afka saar.
MAAHMAAHYADII 30 in Kitaabka Quduuska Ah