Text copied!
Bibles in Somali

MAAHMAAHYADII 30:19-29 in Somali

Help us?

MAAHMAAHYADII 30:19-29 in Kitaabka Quduuska Ah

19 Oo iyana waxaa weeye siduu gorgor hawada u duulo, Siduu masna dhagax ugu socdo, Siday doonnina badda u maaxdo, Iyo siduu nin gabadh ula macaamiloodo.
20 Sidaas oo kale waxaa ah naag dhillo ah sideeda, Taasoo intay wax cunto afka tirtirta, Oo haddana tidhaahda, Anigu waxba xumaan ma aan samayn.
21 Saddex waxyaalood ayaa dhulku la gariiraa, Oo afar baanu qaadan karin,
22 Waxaana weeye addoon markuu boqor noqdo, Iyo nacas markuu cunto ka dhergo,
23 Iyo naag la nacay markay guursato, Iyo gabadh addoon ahu markay sayidaddeedii meesheeda gasho.
24 Waxaa jira afar waxyaalood oo dhulka ku yaryar, Laakiinse aad iyo aad u caqli badan.
25 Qudhaanjadu waa sida dad aan xoog badnayn, Laakiinse waxay cuntadooda soo diyaarsadaan guga.
26 Walooyinku waa qoon taagdaran, Oo haddana waxay guryahooda ka samaystaan dhagaxyada dhexdooda;
27 Ayaxu boqor ma leh, Weliba dhammaantood guuto guuto ayay u socdaan.
28 Qorratadu waa wax gacanta lagu qaban karo, Weliba waxay joogtaa guryaha boqorrada.
29 Waxaa jira saddex waxyaalood oo si fiican u socda, Haah, oo afar waa socod wanaagsan yihiin.
MAAHMAAHYADII 30 in Kitaabka Quduuska Ah