Text copied!
Bibles in Somali

MAAHMAAHYADII 30:13-19 in Somali

Help us?

MAAHMAAHYADII 30:13-19 in Kitaabka Quduuska Ah

13 Waxaa jira farcan indhahoodu aad u sarreeyaan! Oo daboolka indhahoodana kor bay u qaadaan.
14 Waxaa jira farcan ilkahoodu sida seefo oo kale yihiin, oo gowsahooduna sida mindiyo oo kale yihiin, Si ay masaakiinta dhulka uga baabbi'iyaan, oo ay kuwa baahanna dadka dhexdiisa uga dhammeeyaan.
15 Culaacushu waxay leedahay laba gabdhood, oo leh, Na sii, Na sii. Waxaa jira saddex waxyaalood oo aan weligood dhergin, Haah, oo afar aan odhan, Bes, nagu filan;
16 Waxaana weeye qabriga, iyo maxalka aan wax dhalayn, Iyo dhulka aan biyo ka dhergayn, Iyo dabka aan odhan, Bes, igu filan.
17 Isha aabbaheed ku majaajiloota, Oo quudhsata inay hooyadeed addeecdo, Waxaa la soo bixi doona tukayaasha dooxada, Oo waxaa cuni doona gorgorrada.
18 Waxaa jira saddex waxyaalood oo anigu aan aad ula yaabo, Haah, afar baan garan waayay,
19 Oo iyana waxaa weeye siduu gorgor hawada u duulo, Siduu masna dhagax ugu socdo, Siday doonnina badda u maaxdo, Iyo siduu nin gabadh ula macaamiloodo.
MAAHMAAHYADII 30 in Kitaabka Quduuska Ah