Text copied!
Bibles in Somali

MAAHMAAHYADII 2:7-15 in Somali

Help us?

MAAHMAAHYADII 2:7-15 in Kitaabka Quduuska Ah

7 Isagu kuwa xaqa ah xigmad buu u kaydiyaa, Oo kuwa daacadnimada u socdana waa u gaashaan.
8 Isagu wuxuu dhawraa waddooyinka garta, Oo wuxuu xannaaneeyaa jidka quduusiintiisa.
9 Markaasaad garan doontaa xaqnimada, iyo garta, Iyo caaddilnimada, iyo jid kasta oo wanaagsan.
10 Waayo, waxaa qalbigaaga soo geli doonta xigmadda, Oo aqoontuna waxay ka farxin doontaa naftaada;
11 Digtoonaanta baa ku xanaanayn doonta, Oo waxaa ku dhawri doonta waxgarashada,
12 Si lagaaga samatabbixiyo jidka kan sharka ah, Iyo dadka waxyaalaha qalloocan ku hadla,
13 Oo qummanaanta waddooyinkeeda ka taga, Si ay jidadka gudcurka ugu socdaan,
14 Oo ay ku reyreeyaan inay xumaan falaan, Oo ay qalloocnaanta kan sharkaa ku farxaan;
15 Oo jidadkoodu maroorsan yihiin, Oo waddooyinkooduna qalloocan yihiin,
MAAHMAAHYADII 2 in Kitaabka Quduuska Ah