Text copied!
Bibles in Somali

MAAHMAAHYADII 2:2-12 in Somali

Help us?

MAAHMAAHYADII 2:2-12 in Kitaabka Quduuska Ah

2 Si aad dhegta xigmadda ugu dhigtid, Oo aad qalbigaagana waxgarashada ugu qabatid;
3 Haddaad wax-kala-garashada ka daba qaylisid, Oo aad codkaaga waxgarashada kor ugu qaaddid;
4 Haddaad iyada u raadisid sida lacagta oo kale, Oo aad u doondoontid sida maal qarsoon,
5 Markaas waxaad garan doontaa Rabbiga ka cabsashadiisa, Oo waxaad heli doontaa aqoonta Ilaah.
6 Waayo, Rabbigu isagaa bixiya xigmadda, Oo afkiisa waxaa ka soo baxa aqoonta iyo waxgarashada.
7 Isagu kuwa xaqa ah xigmad buu u kaydiyaa, Oo kuwa daacadnimada u socdana waa u gaashaan.
8 Isagu wuxuu dhawraa waddooyinka garta, Oo wuxuu xannaaneeyaa jidka quduusiintiisa.
9 Markaasaad garan doontaa xaqnimada, iyo garta, Iyo caaddilnimada, iyo jid kasta oo wanaagsan.
10 Waayo, waxaa qalbigaaga soo geli doonta xigmadda, Oo aqoontuna waxay ka farxin doontaa naftaada;
11 Digtoonaanta baa ku xanaanayn doonta, Oo waxaa ku dhawri doonta waxgarashada,
12 Si lagaaga samatabbixiyo jidka kan sharka ah, Iyo dadka waxyaalaha qalloocan ku hadla,
MAAHMAAHYADII 2 in Kitaabka Quduuska Ah