Text copied!
Bibles in Somali

MAAHMAAHYADII 2:15-21 in Somali

Help us?

MAAHMAAHYADII 2:15-21 in Kitaabka Quduuska Ah

15 Oo jidadkoodu maroorsan yihiin, Oo waddooyinkooduna qalloocan yihiin,
16 In lagaa samatabbixiyo naagta qalaad, Xataa naagta qalaad oo hadalladeeda kugu sasabata,
17 Taasoo ka tagta horseedkii yaraanteeda, Oo illowda axdigii Ilaaheeda;
18 Waayo, gurigeedu wuxuu ku foororaa dhimasho, Oo waddooyinkeeduna waxay ku dhaadhacaan kuwii dhintay.
19 Kuwa iyada u gala midkoodna sooma noqdo, Oo waddooyinka noloshana ma ay helaan.
20 Waa inaad ku socotid jidka dadka wanaagsan, Oo aad dhawrtid waddooyinka kuwa xaqa ah.
21 Waayo, kuwa qummanu dhulkay fadhiyi doonaan, Oo kuwa kaamilka ahuna way sii joogi doonaan.
MAAHMAAHYADII 2 in Kitaabka Quduuska Ah