Text copied!
Bibles in Somali

MAAHMAAHYADII 29:4-10 in Somali

Help us?

MAAHMAAHYADII 29:4-10 in Kitaabka Quduuska Ah

4 Boqorku gar buu dalka ku dhisaa, Laakiinse kii laaluush jecelu wuu dumiyaa.
5 Ninkii deriskiisa faaniyaa Shabag dabin ah ayuu cagihiisa hor dhigaa.
6 Ninkii shar ah xadgudubkiisa waxaa ku jira dabin, Laakiinse kii xaq ahu waa iska heesaa oo reyreeyaa.
7 Kii xaq ahu wuxuu ka war hayaa dacwadda masaakiinta, Laakiinse kii shar ahu ma yaqaan aqoontaas.
8 Kuwa wax quudhsadaa magaalay dab qabadsiiyaan, Laakiinse kuwa caqliga lahu cadhay qabowjiyaan.
9 Haddii nin caqli leh nin nacas ah la doodo, Nasasho ma jirto hadduu cadhoodo iyo hadduu qosloba.
10 Dhiigyocabyadu kii kaamil ah way neceb yihiin, Laakiinse kuwa qumman waxay doondoonaan inay naftiisa badbaadshaan.
MAAHMAAHYADII 29 in Kitaabka Quduuska Ah