Text copied!
Bibles in Somali

MAAHMAAHYADII 28:2-15 in Somali

Help us?

MAAHMAAHYADII 28:2-15 in Kitaabka Quduuska Ah

2 Waddan xadgudubkiisa aawadiis amiirradu way badan yihiin, Laakiinse ninkii waxgarasho iyo aqoon leh dowladdiisu way sii raagtaa.
3 Miskiin masaakiinta dulmaa Waa sida roob dhulka xaadha oo aan cunto ka tegin.
4 Kuwa sharciga ka tagaa waxay ammaanaan kuwa sharka leh, Laakiinse kuwa sharciga dhawra ayaa iyaga la dirira.
5 Nimanka sharka lahu garsooridda ma gartaan, Laakiinse kuwa Rabbiga doondoonaa wax walbay gartaan.
6 Kii jidad qalloocan ku socda, in kastoo uu taajir yahay, Waxaa ka roon miskiinka daacadnimadiisa ku socda.
7 Ku alla kii sharciga dhawraa waa wiil caqli leh, Laakiinse kii raaca kuwa cirta weyn, aabbihiisuu ceebeeyaa.
8 Kii korsaar iyo ribo maalkiisa ku korodhsadaa, Wuxuu u ururin doonaa mid masaakiinta u naxariista.
9 Kii dhegtiisa ka leexiya inuu sharciga maqlo, Xataa baryootankiisu waa karaahiyo.
10 Ku alla kii kuwa xaqa ah jid shar ah ku ambiyaa, Isagaa ku dhici doona godkiisa, Laakiinse kuwa qummanu wax wanaagsan bay dhaxli doonaan.
11 Taajirku waa isla caqli weyn yahay, Laakiinse miskiinka waxgarashada leh ayaa isaga kashifa.
12 Kuwa xaqa ahu markay guulaystaan, waxaa jirta ammaan weyn, Laakiinse markii kuwa sharka lahu sara kacaan dadku waa dhuuntaa.
13 Kii xadgudubyadiisa qariyaa ma liibaani doono, Laakiinse kii qirta oo haddana ka tagaa, naxariis buu heli doonaa.
14 Ninkii mar kasta cabsadaa waa barakaysan yahay, Laakiinse kii qalbigiisa sii adkeeyaa masiibuu ku dhici doonaa.
15 Taliyihii shar lahu wuxuu dadka masaakiintaa ku yahay Sida libaax ciyaya iyo sida orso weerar ah oo kale.
MAAHMAAHYADII 28 in Kitaabka Quduuska Ah