Text copied!
Bibles in Somali

MAAHMAAHYADII 27:3-6 in Somali

Help us?

MAAHMAAHYADII 27:3-6 in Kitaabka Quduuska Ah

3 Dhagax waa culus yahay, oo cammuuduna way miisaan weyn tahay, Laakiinse waxaa labadoodaba ka sii culus nacas cadhadiis.
4 Cadho waa naxariisdarro, xanaaqna waa daad, Laakiinse bal yaa hinaaso is-hor taagi kara?
5 Canaantii bayaan ahu Waa ka wanaagsan tahay jacaylkii qarsoon.
6 Saaxiib nabrihiisu waa daacadnimo, Laakiinse cadow dhunkashooyinkiisu waa khiyaano miidhan.
MAAHMAAHYADII 27 in Kitaabka Quduuska Ah