Text copied!
Bibles in Somali

MAAHMAAHYADII 27:20-27 in Somali

Help us?

MAAHMAAHYADII 27:20-27 in Kitaabka Quduuska Ah

20 She'ool iyo halligaadu weligood ma dhergaan, Dadka indhihiisu weligood ma dhergaan.
21 Weelka lacagta lagu safeeyo lacagtaa iska leh, oo foornadana dahabkaa iska leh, Sidaas oo kalena nin waxaa lagu tijaabiyaa ammaantiisa.
22 In kastoo aad nacas tib iyo mooye hadhuudh kula tuntid, Weliba nacasnimadiisu ka tegi mayso isaga.
23 Aad ugu dadaal inaad ogaatid xaalka adhigaaga, Oo lo'daadana si wanaagsan u ilaali.
24 Waayo, maalku weligiis siima raago, Taajkuna ab ka ab miyuu waaraa?
25 Cawska qallalan markii la gooyo mid cagaar ah oo jilicsan baa soo muuqda, Oo dhalatada buurahana waa la soo urursadaa.
26 Baraarku waa kuu dhar, Oo adhiguna waa kuu qiimihii beerta.
27 Waxaa jiri doona caano riyaad oo cunto ugu filan adiga iyo reerkaagaba, Iyo weliba masruufka gabdhaha kuu shaqeeya.
MAAHMAAHYADII 27 in Kitaabka Quduuska Ah