Text copied!
Bibles in Somali

MAAHMAAHYADII 27:1-12 in Somali

Help us?

MAAHMAAHYADII 27:1-12 in Kitaabka Quduuska Ah

1 Berrito ha ku faanin, Waayo, ma ogid waxay maalinu keeni doonto.
2 Mid kale ha ku faaniyo oo yaanu afkaagu ku faanin, Shisheeye ha ku ammaano, oo yaanay bushimahaagu ku ammaanin.
3 Dhagax waa culus yahay, oo cammuuduna way miisaan weyn tahay, Laakiinse waxaa labadoodaba ka sii culus nacas cadhadiis.
4 Cadho waa naxariisdarro, xanaaqna waa daad, Laakiinse bal yaa hinaaso is-hor taagi kara?
5 Canaantii bayaan ahu Waa ka wanaagsan tahay jacaylkii qarsoon.
6 Saaxiib nabrihiisu waa daacadnimo, Laakiinse cadow dhunkashooyinkiisu waa khiyaano miidhan.
7 Naftii dheregsanu xataa awlallada malabka waa ka yaqyaqsataa, Laakiinse naftii gaajaysan wax kasta oo qadhaadhuba way u macaan yihiin.
8 Ninkii hoygiisa ka warwareegaa Waa sida shimbir buulkeeda ka warwareegta oo kale.
9 Saliidda iyo cadarku qalbigay ka farxiyaan, Sidaas oo kalena waxaa nin ka farxiya macaanka saaxiibkiis oo ka yimaada talada qalbiga.
10 Ha ka tegin saaxiibkaa iyo aabbahaa saaxiibkiis toona, Oo maalintii masiibadaadana guriga walaalkaa ha tegin, Deris kuu dhowu waa ka wanaagsan yahay walaal kaa fog.
11 Wiilkaygiiyow, caqli yeelo, oo qalbigayga ka farxi, Si aan ugu jawaabo kii i caayaba.
12 Ninkii miyir lahu sharkuu arkaa, wuuna dhuuntaa, Laakiinse garaadlaawayaashu way iska sii maraan, oo waana la taqsiiraa.
MAAHMAAHYADII 27 in Kitaabka Quduuska Ah