Text copied!
Bibles in Somali

MAAHMAAHYADII 24:21-31 in Somali

Help us?

MAAHMAAHYADII 24:21-31 in Kitaabka Quduuska Ah

21 Wiilkaygiiyow, Rabbiga iyo boqorkaba ka cabso, Oo ha ku darsamin kuwa isrogrog badan,
22 Waayo, belaayadoodu si degdeg ah ayay u soo kici doontaa, Oo bal yaa yaqaan baabbi'inta labadoodaba?
23 Oo weliba waxyaalahanuna waa wixii ay kuwa caqliga lahaa yidhaahdeen. In dadka garsooridda loogu kala eexdaa ma wanaagsana.
24 Kii kan shar leh ku yidhaahda, Xaq baad tahay, Dadyowga ayaa habaari doona, oo quruumuhuna way karhi doonaan isaga,
25 Laakiinse kuwii isaga canaantaa farxad bay yeelan doonaan, Oo dushoodana waxaa ku soo degi doonta barako wanaagsan.
26 Kii jawaab qumman ku jawaabaa Bushimuhuu dhunkadaa.
27 Shuqulkaaga dibadda ku hagaajiso, Oo beerta ku diyaarso, Oo dabadeedna gurigaaga dhiso.
28 Deriskaaga sababla'aan markhaati ha ku furin, Oo bushimahaagana ha ku khiyaanayn.
29 Hana odhan, Wixii uu igu sameeyey oo kale ayaan ku samayn doonaa, Oo ninkii sidii shuqulkiisu ahaa ayaan u abaalmarin doonaa.
30 Waxaan ag maray ninka caajiska ah beertiisa, Iyo ninka garaadka daran beercanabkiisa,
31 Oo bal eeg, kulligood waxaa ka baxay qodxan, Oo dhammaantoodna waxaa qariyey maraboob, Oo derbigoodii dhagaxa ahaana waa dumay.
MAAHMAAHYADII 24 in Kitaabka Quduuska Ah