Text copied!
Bibles in Somali

MAAHMAAHYADII 24:18-23 in Somali

Help us?

MAAHMAAHYADII 24:18-23 in Kitaabka Quduuska Ah

18 Waayo, waaba intaas oo Rabbigu taas arkaa, oo ay shar la ahaato indhihiisa, Oo uu dabadeedna cadhadiisa ka soo celiyaa isaga.
19 Xumaanfalayaasha aawadood ha isku dhibin, Kuwa sharka lehna ha ka masayrin,
20 Waayo, kii shar leh abaalgud ma heli doono, Oo laambadda xumaanfalayaashana waa la bakhtiin doonaa.
21 Wiilkaygiiyow, Rabbiga iyo boqorkaba ka cabso, Oo ha ku darsamin kuwa isrogrog badan,
22 Waayo, belaayadoodu si degdeg ah ayay u soo kici doontaa, Oo bal yaa yaqaan baabbi'inta labadoodaba?
23 Oo weliba waxyaalahanuna waa wixii ay kuwa caqliga lahaa yidhaahdeen. In dadka garsooridda loogu kala eexdaa ma wanaagsana.
MAAHMAAHYADII 24 in Kitaabka Quduuska Ah