Text copied!
Bibles in Somali

MAAHMAAHYADII 23:3-23 in Somali

Help us?

MAAHMAAHYADII 23:3-23 in Kitaabka Quduuska Ah

3 Cuntadiisa macaan ha damcin, Waayo, waa cunto khiyaaneed.
4 Ha isku daalin si aad taajir ku noqotid. Oo xigmaddaadana ka joogso.
5 Ma waxaad indhaha ku dayaysaa wax aan jirin? Waayo, hubaal maalku wuxuu yeeshaa baalal, Sida gorgor samada u duula oo kale.
6 Kan isha sharka leh kibistiisa ha cunin, Cuntadiisa macaanna ha damcin,
7 Waayo, isagu waxaa weeye siduu qalbiga kaga fikiro; Wuxuu kugu leeyahay, Cun oo cab, Laakiinse qalbigiisu kulama jiro.
8 Wixii aad cuntay waad soo mantagi doontaa, Oo erayadaadii macaanaana way kaa lumi doonaan.
9 Nacas waxba ha kula hadlin, Waayo, isagu xigmadda hadalkaaga wuu quudhsan doonaa.
10 Soohdintii hore ha durkin, Beeraha agoommadana ha dhex gelin,
11 Waayo, bixiyahoodu waa xoog badan yahay; Oo isaga ayaa dacwadooda kugu qaadi doona.
12 Qalbigaaga edbinta u jeedi, Oo dhegahana erayada aqoonta.
13 Ilmaha edbin ha u diidin, Waayo, haddaad isaga ul ku garaacdid, ma dhiman doono.
14 Ul baad isaga ku garaaci doontaa, Oo naftiisaad She'ool ka samatabbixin doontaa.
15 Wiilkaygiiyow, haddii qalbigaagu caqli leeyahay, Qalbigayguna wuu farxi doonaa.
16 Haah, oo xataa uurkaygu wuu rayrayn doonaa, Markay bushimahaagu wax qumman ku hadlaan.
17 Qalbigaagu yaanu dembilayaal ka hinaasin, Laakiinse maalinta oo dhan Rabbiga ka cabso.
18 Waayo, hubaal waxaa jira abaalgud, Oo rajadaaduna kaama go'i doonto.
19 Wiilkaygiiyow, i maqal, oo caqli yeelo, Oo qalbigaagana jidka ku toosi.
20 Ha dhex joogin khamriyacabyada Iyo kuwa hunguriweynaanta hilibka u cuna,
21 Waayo, kii sakhraan ah iyo kii hunguri weynuba way caydhoobi doonaan, Oo lulona nin calal bay u xidhi doontaa.
22 Dhegayso aabbahaagii ku dhalay, Oo hooyadaana ha quudhsan markay gabowdo.
23 Runta soo iibso, oo ha sii iibin, Oo weliba waxaad ku sii darsataa xigmadda iyo edbinta iyo waxgarashada.
MAAHMAAHYADII 23 in Kitaabka Quduuska Ah