Text copied!
Bibles in Somali

MAAHMAAHYADII 22:18-27 in Somali

Help us?

MAAHMAAHYADII 22:18-27 in Kitaabka Quduuska Ah

18 Waayo, waa wax wanaagsan haddii aad uurka ku haysatid, Oo hadday dhammaantood bushimahaaga diyaar ku ahaadaan.
19 Bal eeg, adigaan maanta iyaga ku ogeysiiyey, Inaad Rabbiga aaminsan tahay.
20 Miyaanan waxyaalo wanaagsan kuugu qorin Talooyinka iyo aqoonta,
21 Si aan kuu ogeysiiyo hubaasha erayada runta, Inaad erayada runta uga jawaabtid kuwii ku soo diray?
22 Miskiinka ha dhicin, waayo, isagu waa miskiin, Oo kan dhibaataysanna meesha iridda ha ku dulmin,
23 Waayo, Rabbiga ayaa dacwadooda u qaadi doona, Oo kuwa iyaga dhaca naftoodana wuu dhici doonaa.
24 Ha la saaxiibin nin xanaaq badan, Oo nin cadho kululna waa inaanad la socon,
25 Waaba intaas oo aad jidkiisa baratid, Oo aad naftaadana dabin ku riddid.
26 Ha noqonin sida kuwa gacanta dhaar ugu dhiiba, Ama sida kuwa deyman u dammiinta.
27 Haddaanad haysan wax aad bixiso, Bal muxuu sariirtaada hoostaada uga la bixi?
MAAHMAAHYADII 22 in Kitaabka Quduuska Ah