Text copied!
Bibles in Somali

MAAHMAAHYADII 19:13-17 in Somali

Help us?

MAAHMAAHYADII 19:13-17 in Kitaabka Quduuska Ah

13 Wiilkii nacas ahu waa u belaayo aabbihiis, Oo naag murammadeeduna waa sida dhibicyo aan kala go'in.
14 Hoy iyo hanti aabbayaashaa laga dhaxlaa, Laakiinse afo miyir leh xagga Rabbigaa laga helaa.
15 Caajisnimo waxay keentaa hurdo weyn, Oo qofkii caajis ahuna wuu gaajoon doonaa.
16 Kii amarka dhawraa naftiisuu dhawraa, Laakiinse kii jidadkiisa fudaydsadaa wuu dhiman doonaa.
17 Kii miskiinka u naxaa Rabbiguu wax amaahiyaa, Oo wanaaggii uu sameeyeyna wuu u celin doonaa.
MAAHMAAHYADII 19 in Kitaabka Quduuska Ah