Text copied!
Bibles in Somali

MAAHMAAHYADII 18:3-11 in Somali

Help us?

MAAHMAAHYADII 18:3-11 in Kitaabka Quduuska Ah

3 Markii kii shar lahu yimaado waxaa kaloo timaada quudhsasho, Sharafla'aantana waxaa la timaada ceeb.
4 Nin afkiis erayada ku jiraa waa sida biyo gun dheer, Oo isha xigmadduna waa sida durdur socda.
5 Ma wanaagsana in kan sharka leh loo eexdo, Ama in kan xaqa ah garta lagu afgembiyo.
6 Nacaska bushimihiisu waxay keenaan muran, Oo afkiisuna wuxuu u yeedhaa karbaash.
7 Nacaska afkiisu waa u baabba', Oo bushimihiisuna naftiisay dabin u noqdaan.
8 Kii xan badan erayadiisu waa sida cunto macaan, Oo waxay ku degaan meelaha caloosha ugu hooseeya.
9 Kii shuqulkiisa caajis ku ahu, Wuxuu walaal u yahay kii wax kharriba.
10 Rabbiga magiciisu waa noobiyad xoog leh, Kii xaq ahu iyaduu ku cararaa, meel sarena wuu ku nabad galaa.
11 Ninkii taajir ah maalkiisu waa u magaalo xoog leh, Oo waa u derbi dheer sida ay la tahay isaga.
MAAHMAAHYADII 18 in Kitaabka Quduuska Ah