Text copied!
Bibles in Somali

MAAHMAAHYADII 17:2-11 in Somali

Help us?

MAAHMAAHYADII 17:2-11 in Kitaabka Quduuska Ah

2 Addoonkii caqli lahu wuxuu xukumi doonaa wiilkii ceeb soo jiida, Oo walaalaha ayuu la dhaxal geli doonaa.
3 Weelka lacagta lagu safeeyo lacagtaa iska leh, oo foornadana dahabkaa iska leh, Laakiinse Rabbigu qalbiyaduu imtixaamaa.
4 Xumaanfaluhu wuxuu maqlaa bushimaha shar leh, Oo beenaaluhuna wuxuu dhegaystaa carrabka xun.
5 Ku alla kii miskiinka ku majaajiloodaa wuxuu caayaa Kan sameeyey, Kii belaayooyin ku farxaana ma taqsiir la'aan doono.
6 Odayaasha waxaa taaj u ah carruurta carruurtooda, Oo sharafta carruurtuna waa aabbayaashood.
7 Hadalkii weynu nacas uma eka, Sidaas oo kalena bushimihii been sheegaa amiir uma eka.
8 Hadiyaddu waxay kii haysta la tahay sida dhagax qaali ah, Oo meel alla meeshay u leexataba way ku barwaaqowdaa.
9 Kii xadgudub qariyaa jacayl buu doondoonaa, Laakiinse kii xaal ku noqnoqdaa saaxiibbuu kala kaxeeyaa.
10 Canaantu waxay ninkii garasho leh u tartaa In ka badan boqol jeedal oo nacas lagu dhuftay ay u taraan.
11 Ninkii shar lahu wuxuu doondoonaa caasinimo keliya, Sidaas daraaddeed waxaa isaga lagu diri doonaa farriingeeye aan naxariis lahayn.
MAAHMAAHYADII 17 in Kitaabka Quduuska Ah