Text copied!
Bibles in Somali

MAAHMAAHYADII 16:23-28 in Somali

Help us?

MAAHMAAHYADII 16:23-28 in Kitaabka Quduuska Ah

23 Kii caqli leh qalbigiisu afkiisuu wax baraa, Oo waxbarashuu bushimihiisa u kordhiyaa.
24 Hadalkii wacanu waa sida awlallo shinniyeed oo kale, Nafta wuu u macaan yahay, oo lafahana waa u caafimaad.
25 Waxaa jirta waddo dadka la qumman, Laakiinse dhammaadkeedu waa jidadkii dhimashada.
26 Kii hawshooda gaajadiisuu u hawshoodaa, Waayo, afkiisaa qasba isaga.
27 Ninkii waxmatare ahu xumaan buu qodqodaa, Oo bushimihiisana waxaa ku jira dab wax gubaya.
28 Ninkii qalloocanu muran buu beeraa, Oo kii xan badanuna wuxuu kala kaxeeyaa saaxiibbo.
MAAHMAAHYADII 16 in Kitaabka Quduuska Ah