Text copied!
Bibles in Somali

MAAHMAAHYADII 15:8-16 in Somali

Help us?

MAAHMAAHYADII 15:8-16 in Kitaabka Quduuska Ah

8 Allabariga kuwa sharka lahu Rabbiga waa u karaahiyo, Laakiinse kuwa qumman baryadoodu isagay ka farxisaa.
9 Jidka kan sharka lahu Rabbiga waa u karaahiyo, Laakiinse isagu waa jecel yahay kii xaqnimada raaca.
10 Kii jidka ka taga waa u taqsiir kulul, Oo kii canaanta necebuna wuu dhiman doonaa.
11 She'ool iyo halligaaduba Rabbiga hortiisay yaalliin, Haddaba intee in ka sii badan buu arkaa qalbiga binu-aadmiga?
12 Kii wax quudhsadaa ma jecla in la canaanto, Oo dooni maayo inuu kuwa caqliga leh u tago.
13 Qalbigii faraxsanu wejiguu nuuriyaa, Laakiinse caloolxumaanta ayaa qalbigu ku jabaa.
14 Kii garasho leh qalbigiisu aqoon buu doondoonaa, Laakiinse nacasyada afkoodu wuxuu cunaa nacasnimo.
15 Kuwa dhibaataysan maalmahooda oo dhammu waa xunxun yihiin, Laakiinse kii qalbigiisu faraxsan yahay had iyo goorba waa u iid.
16 Wax yar oo Rabbiga ka cabsashadiisu la jirto Ayaa ka wanaagsan khasnado badan oo dhib la jirto.
MAAHMAAHYADII 15 in Kitaabka Quduuska Ah