Text copied!
Bibles in Somali

MAAHMAAHYADII 14:2-21 in Somali

Help us?

MAAHMAAHYADII 14:2-21 in Kitaabka Quduuska Ah

2 Kii qummanaantiisa ku socda ayaa Rabbiga ka cabsada, Laakiinse kii jidkiisa ku qalloocan wuu quudhsadaa isaga.
3 Afka nacasyada waxaa ka soo biqla kibir; Laakiinse kuwa caqliga leh bushimahooda ayaa iyaga dhawri doona.
4 Meeshii aan dibi joogin qabaalkii ay wax ka cuni jireen waa baabbah; Laakiinse kordhinta badanu waxay ku timaadaa xoogga dibiga.
5 Markhaatigii aamin ahu been ma sheego, Laakiinse markhaatigii been ahu been buu ku hadlaa.
6 Kii wax quudhsadaa xigmad buu doondoonaa, mana helo, Laakiinse aqoontu waa u fudud dahay kii waxgarasho leh.
7 Nacaska hortiisa ka fogow, Waayo, bushimihiisa aqoon ka heli maysid.
8 Ninkii miyir leh xigmaddiisu waa inuu jidkiisa gartaa, Laakiinse nacasyada nacasnimadoodu waa khiyaano.
9 Nacasyadu dembigay ku majaajiloodaan, Laakiinse kuwa qumman waxaa ku dhex jirta raallinimo.
10 Qalbigu qadhaadhnimadiisuu yaqaan, Oo shisheeyena farxaddiisa lama qaybsado.
11 Guriga kuwa sharka leh waa la afgembiyi doonaa, Laakiinse taambuugga kuwa qummanu waa barwaaqoobi doonaa.
12 Waxaa jirta waddo dadka la hagaagsan, Laakiinse dhammaadkeedu waa waddooyinka dhimashada.
13 Qalbigu xataa qosol waa ku murugoodaa, Oo farxad dhammaadkeeduna waa caloolxumo.
14 Kii xaqnimada qalbigiisa dib ugaga noqdaa jidkiisuu ka dhergi doonaa, Oo ninkii wanaagsanuna wuxuu ka dhergi doonaa naftiisa.
15 Kii garaaddaranu eray kasta wuu rumaystaa, Laakiinse kii miyir lahu socodkiisa aad buu u fiiriyaa.
16 Ninkii caqli lahu waa cabsadaa, oo sharka wuu ka noqdaa; Laakiinse nacasku waa ciishoodaa, wuuna isku kalsoon yahay.
17 Kii degdeg u cadhoodaa nacasnimuu wax ku sameeyaa, Oo ninkii sharnimo hindisana waa la neceb yahay.
18 Garaadlaawayaashu nacasnimay dhaxlaan, Laakiinse kuwii miyir leh waxaa madaxa loo saaraa taaj aqoon ah.
19 Kuwa sharka lahu kuwa wanaagsan hortooda ayay ku foororsadaan, Oo kuwa xunxunna waxay ku foororsadaan irdaha kuwa xaqa ah.
20 Miskiinka xataa deriskiisu waa neceb yahay, Laakiinse taajirku saaxiibbo badan buu leeyahay.
21 Kii deriskiisa quudhsadaa wuu dembaabaa, Laakiinse kii miskiinka u naxariistaa waa barakaysan yahay.
MAAHMAAHYADII 14 in Kitaabka Quduuska Ah