Text copied!
Bibles in Somali

MAAHMAAHYADII 14:19-32 in Somali

Help us?

MAAHMAAHYADII 14:19-32 in Kitaabka Quduuska Ah

19 Kuwa sharka lahu kuwa wanaagsan hortooda ayay ku foororsadaan, Oo kuwa xunxunna waxay ku foororsadaan irdaha kuwa xaqa ah.
20 Miskiinka xataa deriskiisu waa neceb yahay, Laakiinse taajirku saaxiibbo badan buu leeyahay.
21 Kii deriskiisa quudhsadaa wuu dembaabaa, Laakiinse kii miskiinka u naxariistaa waa barakaysan yahay.
22 Kuwa sharka ku fikiraa sow ma qaldamaan? Laakiinse kuwa wanaagga ku fikira waxaa u ahaan doona naxariis iyo run.
23 Hawl kasta faa'iidaa ku jirta, Laakiinse hadalka bushimuhu wuxuu keenaa caydhnimo keliya.
24 Kuwa caqliga leh taajkoodu waa maalkooda, Laakiinse nacasyada nacasnimadoodu waa nacasnimo keliya.
25 Markhaatigii run ahu nafuu samatabbixiyaa, Laakiinse kii been sheegaa waa khaayin.
26 Rabbiga ka cabsashadiisu waxay leedahay kalsoonaan xoog leh, Oo carruurtiisuna waxay lahaan doonaan meel ay magangalaan.
27 Rabbiga ka cabsashadiisu waa il nololeed, Si dabinnada dhimashada looga leexdo.
28 Sharafta boqorku waxay ku jirtaa dadka badnaantiisa, Laakiinse baabba'a amiirku wuxuu ku jiraa dadka yaraantiisa.
29 Kii cadhada u gaabiyaa waa garasho badan yahay; Laakiinse kii degdeg u cadhoodaa nacasnimuu sarraysiiyaa.
30 Qalbigii degganu waa nolosha jidhka, Laakiinse hinaaso waa qudhunka lafaha.
31 Kii miskiinka dulmaa wuxuu caayaa Kan sameeyey, Laakiinse kii ka baahan u naxariistaa wuu murweeyaa.
32 Kii shar leh waxaa lagu afgembiyaa sharnimadiisa, Laakiinse kan xaqa ahu rajuu leeyahay markuu dhinto.
MAAHMAAHYADII 14 in Kitaabka Quduuska Ah