Text copied!
Bibles in Somali

MAAHMAAHYADII 11:11-28 in Somali

Help us?

MAAHMAAHYADII 11:11-28 in Kitaabka Quduuska Ah

11 Kuwa qumman ducadooda magaaladu sare bay ugu kacdaa, Laakiinse kuwa sharka leh afkoodu magaaladuu dumiyaa.
12 Kii deriskiisa quudhsadaa waa caqli daranyahay, Laakiinse ninkii garaadka lahu wuu iska aamusaa.
13 Kii sida mid xan badan u warwareegaa wuxuu daaha ka qaadaa waxyaalo qarsoon, Laakiinse kii ruuxiisu aamin yahay xaalkuu qariyaa.
14 Markaanay talo jirin, dadku waa dhacaa, Laakiinse taliyayaasha badnaantoodu waxay leedahay nabadgelyo.
15 Kii qof qalaad dammiintaa, xumaan buu ka helaa, Laakiinse kii dammiinashada necebu ammaan buu u fadhiyaa.
16 Naag nimcaysan sharaf bay haysataa, Oo niman xoog lahuna maal bay haystaan.
17 Ninkii naxariis badanu naftiisuu wanaag u sameeyaa, Laakiinse kii aan naxariis lahaynu jidhkiisuu dhibaa.
18 Kan sharka lahu wuxuu shaqaystaa mushahaaro khiyaano miidhan ah, Laakiinse kii xaqnimada beeraa wuxuu heli doonaa abaalgud la hubo.
19 Xaqnimadu waxay u kacdaa xagga nolosha, Sidaas oo kalena kii sharka raacaa wuxuu u raacaa dhimashadiisa.
20 Kuwa qalbigoodu qalloocan yahay Rabbigu aad buu u karhaa; Laakiinse kuwa jidkooda ku qumman wuu ku farxaa.
21 Waxaan aad idiinku xaqiijinayaa inaan kan sharka lahu taqsiirla'aan doonayn. Laakiinse farcanka kuwa xaqa ah waa la samatabbixin doonaa.
22 Naag qurux badan oo aan digtoonaan lahaynu Waa sida dahab gafuurka doofaarka ku jira.
23 Kuwa xaqa ah waxay doonayaan wanaag keliya, Laakiinse kuwa sharka ah filashadoodu waa cadho.
24 Waxaa jira mid wax firdhiya, oo haddana sii korodhsada; Oo waxaa jira mid ceshada wax ka sii badan in ku habboon, oo haddana sii caydhooba.
25 Qofkii deeqsi ah baa la barwaaqaysiin doonaa, Oo kii wax waraabiyana, isna waa la waraabin doonaa.
26 Kii hadhuudh ceshada, dadka ayaa habaari doona, Laakiinse kii iibiya, duco ayaa ku dhici doonta.
27 Kii wanaag aad u doonaa wuxuu doonayaa raallinimo, Laakiinse kii xumaan doona, way u iman doontaa.
28 Kii maalkiisa isku halleeyaa wuu dhici doonaa, Laakiinse kii xaq ahu wuxuu u barwaaqoobi doonaa sida caleen cagaar ah.
MAAHMAAHYADII 11 in Kitaabka Quduuska Ah