Text copied!
Bibles in Somali

LUUKOS 4:29-43 in Somali

Help us?

LUUKOS 4:29-43 in Kitaabka Quduuska Ah

29 Markaasay kaceen oo magaaladii ka saareen, waxayna u kaxeeyeen buurtii magaaladoodii ka dhisnayd qarkeedii inay ka tuuraan.
30 Laakiin isagu intuu dhex maray ayuu iska tegey.
31 Wuxuuna u degay Kafarna'um oo magaalada Galili ah. Oo maalmihii sabtida ayuu dadka wax barayay.
32 Waxbariddiisiina way la yaabeen, waayo, hadalkiisu amar buu lahaa.
33 Waxaana sunagogga joogay nin jinni wasakh leh qaba. Cod weyn ayuu ku qayliyey, oo wuxuu yidhi,
34 Na daa! Maxaa inoo dhexaya, Ciise reer Naasaredow? Ma waxaad u timid inaad na baabbi'iso? Anigu waa ku garanayaa kii aad tahay, Kan Quduuska ah ee Ilaah.
35 Ciise baa canaantay oo ku yidhi, Aamus oo ka soo bax. Jinniguna goortuu ninkii dhexda ku tuuray ayuu ka soo baxay, waxbana ma uu yeelin.
36 Yaab weyn ayaa ku wada dhacay; wayna isla wada hadleen oo yidhaahdeen, Waa maxay hadalkan? waayo, jinniyada wasakhda leh ayuu amar iyo xoog ku xukumaa, wayna ka baxaan.
37 Meel kasta oo dalka ku wareegsan ayaa warka isaga ku saabsan gaadhay.
38 Markaasuu sunagoggi ka soo kacay, oo wuxuu galay gurigii Simoon. Simoon soddohdiisna qandho weyn ayay qabtay, markaasay isaga u baryeen aawadeed,
39 oo intuu isa soo dul taagay ayuu qandhadii canaantay, wayna daysay. Kolkiiba way kacday oo u adeegtay iyagii.
40 Markii qorraxdu sii dhacaysay, dadkii oo dhan oo lahaa dad cudurro kala cayncayn ah qabay ayay isaga u keeneen; mid kastaba gacmihiisuu saaray oo bogsiiyey.
41 Jinniyona dad badan ayay ka soo baxeen, iyagoo qaylinaya oo leh, Adigu waxaad tahay Wiilka Ilaah. Isaguse waa canaantay oo uma oggolaanin inay hadlaan, waayo, waxay garanayeen inuu Masiixa yahay.
42 Goortii ay maalintii noqotay, ayuu baxay oo meel cidla ah tegey; dadkii badnaana way doondooneen oo u yimaadeen. Wayna qabteen si aanu uga tegin.
43 Laakiin wuxuu iyagii ku yidhi, Waa inaan magaalooyinka kalena injiilka boqortooyada Ilaah ku wacdiyo, waayo, sidaa darteeda waa la ii soo diray.
LUUKOS 4 in Kitaabka Quduuska Ah