Text copied!
Bibles in Somali

LUUKOS 23:3-42 in Somali

Help us?

LUUKOS 23:3-42 in Kitaabka Quduuska Ah

3 Bilaatos ayaa weyddiiyey, isagoo leh, Ma Boqorka Yuhuudda baad tahay? Wuu u jawaabay oo ku yidhi, Waad tidhi.
4 Dabadeed Bilaatos wuxuu wadaaddadii sare iyo dadkii ku yidhi, Anigu ninkan eed kuma aan helin.
5 Laakiin way ku sii adkeeyeen iyagoo leh, Dadkuu kiciyaa, oo dalka Yahuudiya oo dhan ayuu wax baraa; dalka Galili ayuu ka soo bilaabay ilaa halkan.
6 Bilaatos goortuu maqlay, wuxuu weyddiiyey inuu ninku reer Galili yahay.
7 Goortuu ogaaday inuu ka mid ahaa kuwii Herodos xukumo, wuxuu u diray Herodos, kan qudhiisu Yeruusaalem joogay wakhtigaas.
8 Herodos goortuu Ciise arkay, aad buu u farxay, maxaa yeelay, ilaa wakhti dheer ayuu doonayay inuu arko, waayo, wax buu ka maqlay, oo wuxuu rajaynayay inuu calaamo ka arko.
9 Markaasuu su'aalo badan weyddiiyey, laakiin waxba uma uu jawaabin.
10 Wadaaddadii sare iyo culimmadii ayaa istaagay, oo aad iyo aad bay u ashtakeeyeen.
11 Herodos ayaa fududaystay oo ku majaajilooday, isaga iyo askartiisiiba, oo intuu dhar dhalaalaya u geliyey ayuu Bilaatos u celiyey.
12 Maalintaas qudheeda Herodos iyo Bilaatos saaxiibbo bay noqdeen, intii ka horraysayse cadaawe bay isu ahaayeen.
13 Bilaatos ayaa isugu yeedhay wadaaddadii sare iyo taliyayaashii iyo dadkii.
14 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Ninkan waxaad iigu keenteen sidii mid dadka rogaya. Bal ogaada, hortiinna ayaan wax ku weyddiiyey, oo ninkan kuma aan helin eed ku saabsan waxaad ku ashtakaynaysaan.
15 Herodosna kuma uu helin, wuuna noo soo celiyey, oo ma jiro wax dhimasho istaahila oo uu sameeyey.
16 Taas aawadeed waan edbinayaa oo sii daynayaa.
17 Waayo, waajib bay ahayd inuu iidda mid u sii daayo iyaga.
18 Markaasay wada qayliyeen, iyagoo leh, Wad kan, Baraabbas noo sii daa,
19 kan xabsiga loogu riday fallaagaduu magaalada ka riday iyo dilid aawadeed.
20 Mar kale Bilaatos ayaa iyaga la hadlay isagoo doonaya inuu Ciise sii daayo.
21 Laakiin way qayliyeen, iyagoo leh, Iskutallaabta ku qodob, iskutallaabta ku qodob.
22 Markaasuu wuxuu kolkii saddexaad ku yidhi, Waayo? Waa maxay sharka kanu sameeyey? Kuma aan helin sabab lagu dilo, taas aawadeed waan edbinayaa oo sii daynayaa.
23 Laakiin cod weyn ayay ku adkaysteen iyagoo weyddiisanaya in iskutallaabta lagu qodbo, oo waxaa xoog batay codadkoodii iyo codadkii wadaaddada sare.
24 Markaasaa Bilaatos wuxuu xukumay in loo yeelo waxay weyddiisteen.
25 Wuuna sii daayay kii fallaagada iyo dilidda xabsiga loogu riday oo ay weyddiisteen, laakiin Ciise buu u dhiibay iyaga siday doonayeen.
26 Kolkay wadeen, waxay qabteen Simoon reer Kuranaya ah isagoo beeraha ka soo socda, waxayna saareen iskutallaabtii inuu Ciise ka daba qaado.
27 Waxaana la socday dad badan iyo dumar laabta garaacaya oo barooranaya.
28 Laakiin Ciise intuu u soo jeestay, wuxuu ku yidhi, Gabdhaha Yeruusaalemow, ha ii ooyina, laakiin u ooya qudhiinna iyo carruurtiinna,
29 waayo, bal eega, wakhtigu waa imanayaa goortay odhan doonaan, Waxaa barakaysan madhashada iyo uurarka aan weligood dhalin iyo naasaha aan weligood la nuugin.
30 Markaasay bilaabi doonaan inay buuraha ku yidhaahdaan, Nagu soo dhaca, oo ay gumburahana ku yidhaahdaan, Na qariya.
31 Waayo, hadday geedka qoyan waxaas ku sameeyaan, maxaa ku dhici doona kan engegan?
32 Waxaana lala waday laba kale oo xumaanfalayaal ah in lala dilo.
33 Markay yimaadeen meeshii la yidhaahda dhakada, halkaasay iskutallaabo ku qodbeen isaga iyo xumaanfalayaashii, mid midigta, kan kalena bidixda.
34 Markaasaa Ciise wuxuu yidhi, Aabbow, iyaga cafi, waayo, garan maayaan waxay samaynayaan. Markaasay dharkiisii qaybsadeen, wayna saami riteen.
35 Dadkuna way taagnaayeen iyagoo daawanaya. Taliyayaashuna way ku qosleen iyagoo leh, Kuwa kale ayuu badbaadiyey, kanu ha isbadbaadiyo, hadduu yahay Masiixa Ilaah, kan uu doortay.
36 Askartiina waa ku majaajiloodeen, oo intay u yimaadeen, ayay khal siiyeen,
37 oo waxay ku yidhaahdeen, Haddii aad tahay boqorka Yuhuudda, isbadbaadi.
38 Meel ka korraysay isagana waxaa ku qorraa qorniin leh, KANU WAA BOQORKA YUHUUDDA.
39 Xumaanfalayaashii deldelnaa midkood ayaa caayay isagoo leh, Miyaanad ahayn Masiixa? Annaga iyo qudhaadaba badbaadi.
40 Laakiin kii kale ayaa jawaabay oo canaantay isagoo leh, Miyaanad xataa Ilaah ka baqin, waayo, isku xukun baad tihiin?
41 Waayo, innaga waa inoo xaq, maxaa yeelay, waxaynu helnay abaalkii wixii aynu falnay, ninkanuse wax aan jid ahayn ma uu falin.
42 Markaasuu ku yidhi, Ciisow, i xusuuso goortaad boqortooyadaada ku timaado.
LUUKOS 23 in Kitaabka Quduuska Ah