28 Laakiin Ciise intuu u soo jeestay, wuxuu ku yidhi, Gabdhaha Yeruusaalemow, ha ii ooyina, laakiin u ooya qudhiinna iyo carruurtiinna,
29 waayo, bal eega, wakhtigu waa imanayaa goortay odhan doonaan, Waxaa barakaysan madhashada iyo uurarka aan weligood dhalin iyo naasaha aan weligood la nuugin.
30 Markaasay bilaabi doonaan inay buuraha ku yidhaahdaan, Nagu soo dhaca, oo ay gumburahana ku yidhaahdaan, Na qariya.
31 Waayo, hadday geedka qoyan waxaas ku sameeyaan, maxaa ku dhici doona kan engegan?
32 Waxaana lala waday laba kale oo xumaanfalayaal ah in lala dilo.
33 Markay yimaadeen meeshii la yidhaahda dhakada, halkaasay iskutallaabo ku qodbeen isaga iyo xumaanfalayaashii, mid midigta, kan kalena bidixda.
34 Markaasaa Ciise wuxuu yidhi, Aabbow, iyaga cafi, waayo, garan maayaan waxay samaynayaan. Markaasay dharkiisii qaybsadeen, wayna saami riteen.
35 Dadkuna way taagnaayeen iyagoo daawanaya. Taliyayaashuna way ku qosleen iyagoo leh, Kuwa kale ayuu badbaadiyey, kanu ha isbadbaadiyo, hadduu yahay Masiixa Ilaah, kan uu doortay.
36 Askartiina waa ku majaajiloodeen, oo intay u yimaadeen, ayay khal siiyeen,